Deeq A. Posted September 14, 2018 Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa warqad soo baxday lagu shaaciyay magacaabis xubno guddiyo dhowr ah oo golaha Senate-ka ay u kala direen dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabistani sameeyay iyadoo uu taagan yahay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Gollaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in ay xallinayaan khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac. Gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa horay u shaaciyay in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka oo fadhigeedu yahay Muqdisho. Hoos Ka Akhriso Magacaabid Wufuud Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites