Sign in to follow this  
Deeq A.

YARIISOW: Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha jira

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho_Horumarin-1.jpg?resize=810%2C54Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda.

“Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda”

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho.

Ugu dambeyn, Waxaa xafladda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika.

Muqdisho_Horumarin-2.jpg?resize=810%2C54 Muqdisho_Horumarin-3.jpg?resize=810%2C45 Muqdisho_Horumarin-4.jpg?resize=810%2C45 Muqdisho_Horumarin-5.jpg?resize=810%2C54

PUNTLAND POST

The post YARIISOW: Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha jira appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this