Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Musuqmaasuq Qaawan Kukacay Iyo Fadeexado Aan Hore Loo Arag Oo Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   
goddkii-300x126.png

 

Magaalada Borama oo ka taagan yahay jahwareerkii ugu waynaa abid ee Magaaladaasi soo mara kadib markii Gudoomiyaha Awdal Cabdiraxman Axmad Cali iyo xoghayaha Dawlada hoose ee Borama Xasan Yusuf Riiraash ay godkii qashinka Magaaladu ku daadin jirtay dhul ahaan ugu wareejiyeen una sharciyeeyeen willka Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ee Kamaal Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici.
Dhacdadani ayaa ka yaabisay shacabka Borama oo qaadan waa kunoqotay isla markaana waxaa bilaabmay hadalhaynta iibinta dhulkii danta Guud ee qashinka oo shacabka Borama ka warheleen.
Qaylada iyo buuqa iibinta godkaasi markii uu isqabsaday Magaalada Borama ayuu kawarhelay Madaxwayne ku xigeenka Saylici oo markii horeba diiday inuu wiilkiisa ka qabto boobka danta guud ee goobta qashinka.Cabdiraxman Saylici ayaa lacadeeyay inuu wiilkiisa amray inuu iibiyo godkii qashinka ee uu waraaqaha ugu sameeyeen Xoghayaha dawlada hoose iyo badhasaabka Awdal Cabdiraxman Axmad Cali,talada Saylici wuu maqlay wiilkiisu wuxuuna isla markiiba ku wareejiyay nin ay isku jufo hoose yihiin oo lagu magacaabo Cabdiraxman Araweelo kana soo wadajeedaan beesha Bahabarceli ee Saylici waxaana uu Kamaal Saylici ka qaatay lacag 35000 (Shan iyo sodon kun oo dolar ah).
Magaalada Borama maanta mahaysato goob qashinka lagu daadiyo waxaana si gaar ah u leh qoyska beesha Saylici ayay tidhi hooyo caasho cumar oo qashin ku daadinaysay goobtaasi waxayna sheegtay in maalin dhaw qoyska Saylici dayr u samaysanayaan godka qashinka ilaa imika lama hayo goob dan guud ah oo qashinka lagu daadiyo.
Iyadoo godkii qashinku taagan yahay ayaa haddana asbuucii ku xigay laga warhelay kawaankii hore ee xoolaha lagu qalijiray oo xaaska Saylici cagaf galisay burburina ku bilowday taasi oo rasaas kala hortageen qoyskii dantaasi guud markii horeba bixiyay oo laga yaqaano deegaankaasi,qoyskaasi oo la yidhaahdo ilma Ciye ayaa iska difaacay boobka Xaaska Saylici Raxma Xaaji Muxumed Suldaan oo iyadna wiilkaaga kadib boob ku bilowday dhul danta guud ah balse nasiib wanaag waxaa karitay shacabkii deegaanka oo imika ilaalo gaar ah kahaya deegaankaasi.
Xukuumada Muuse Biixi oo bilowday diiwaangalinta danta guud ayaa haddana waxaa Borama ay qoyska Saylici ku hayaan boob aan loo aabo dayin oo Saylici,Caruurtiisa Iyo haweenayda Xaaskiisa ah ee Raxma Xaaji Muxumed ka bilaabeen Magaalada Borama gaar ahaan danta guud.Shacabka Borama ayaa iswaydiinaya Saylici iyo qoyskiisu inay iloobeen aakhiro isla markaana xaaraanta lagu gubto oo cidhib dambeedka qoyskaasi la arki doono iyagoo inkaarta shacabkaasi ku hafsatay.

Cumar Qarshi
Qarannews
Borama

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this