Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

ugaas_say.jpg?resize=512%2C384&ssl=1Marwo Saynab Ugaas Yaasiin
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda Puntland.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa Saynab Ugaas Yaasiin loogu magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa dhawaan iska casilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo u tartamayay duqa Boosaaso, oo markii dambe uu ku guuleystay.

Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa xilal badan ka soo qabatay Puntland waxaana kamid ahaa Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo Haweenka.

Hoos ka akhriso Digreetada

Xeer Madaxweyne Lr. 121 September 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Saynab Ugaas Yaasiin loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

DHAMMAAD

PUNTLAND POST

The post Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this