Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka oo u gurmaday kuwa DF kadib WEERAR lagu soo qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Mubarak (Caasimadda Online) – Xoogagga Mareykanka ayaa iyagoo taageeraya kuwa Soomaaliya waxa ay 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyeen xaafadda Mubaarak, oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa is difaacid lagu dilay labo ka mid ah Al-Shabaab mid kalena lagu dhaawacay.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay weerarka deg deg u qaadeen, si ay u difaacaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar culus la kulmay.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ee ka qeybgalayay howlgalka aysan wax khasaare ah soo gaarin hayeeshee Ciidanka gaarka ee Soomaaliya oo uu Askari uga dhintay howlgalka labo kalena uga dhaawacantay.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ay oggolaanshaha uga heystaan dowladd federaalka ah ee Soomaaliya,lana shaqeyn doonaan howlgalka AMISOM.

Mareykanku waxaa uu sheegay in uu baaritaan ku hayo in weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray Dad Rayid ah intii uu socday.

Halkaan hoose  ka akhriso warbixinta lasoo dhigay Twitterka

U.S. Conducts Airstrike in Support of the Federal Government of Somalia – https://t.co/FvCJKMS1UO pic.twitter.com/3bRWphnUTK

— US AFRICOM (@USAfricaCommand) September 13, 2018

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this