Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

hal Qof ayaa ku geeriyoodey Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen shil maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj iyo midda Labada lug leh ayaa isugu dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Dadka dhaawaca uu soo gaaraya ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo xaaladdooda caafimaad.

Dhanka kale, askar la sheegay iney ka tirsan yihiin DFS ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ku diley hal qof oo shacab ah iyaga oo mid kalena dhaawacay.

Qofkan aya dileen ciidamada dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa darawal wada gaadiidka qaada Khudaarta dilkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii uu isku dayay in uu ka leexdo bar kontarool oo ciidamada ay wax ku baaraan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this