Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan ajaaniib ah oo lagu wareejinayo sugida amni ee KOONFUR GALBEED

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in inta badan amniga maamulka ay si buuxda ula wareegi doonaan ciidamada Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ethiopian-kii horay u joogay Baydhabo la kordhiyay isla markaana si hordhac ah loogu wareejiyay amniga qaar kamid ah xarumaha maamulka.

Ciidamadan oo lagu dhex fasaxay magaalada ayaa si hordhac ah ula wareegay amniga Garoonka, Madaxtooyad, Xarumaha ay ka socdaan Ololaha Doorashada iyo Koontaroolada muhiimka ah ee maamulka.

Ciidamadan ayaa sugida amniga ka qeybqaadan doona inta lagu guda jiro doorashada maamulka oo ay ka harsan tahay maalmo qura.

Ujeedka ugu weyn ee ciidamadan loo geeyay xarumaha qaar ayaa ah cabsi laga qabo in qalalaaso ay ka dhacdo xarunta lagu qabanaayo doorashada iyo in weeraro ay magaalada ka geystaan Al-Shabaab inta lagu guda jiro doorashada.

Ciidamadan shisheeye oo aad u taageersan Hogaamiyaha uu wakhtiga ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa waxaa ka garab shaqeyn doona ciidamo kale oo ka tirsan Booliska.

Shariif Xasan ayaa laga cabsi qabaa in ciidamadaasi uu u adeegsado Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dib usoo laabashadiisa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa laga cabsi qabaa in tacadiyo ay u geestan musharaxiinta saacado ka hor inta aysan dhicin doorashada maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal ciidamada shisheeye ee is garabtaagaya Hogaamiyaha doonaya in mar kale uu soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this