Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo la kulmay Mukhtaar roobow & Musharaxiin kale (Sawir)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa kulan khaasa la yeeshay musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweyninimo ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha iyo Musharaxiinta ayaa waxa uu xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhawaan la filaayo inay gaaran magaalada Baydhabo si ay ugu diyaar garooban doorashada oo waxyar ay ka harsan tahay.

Musharaxiinta uu la kulmay Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Aadan Farkeeti  iyo Sheekh Muqtaar Roobow oo kamid ahaa Horjoogayaasha Al-Shabaab ee markii danbe isku soo dhiibay dowlada.

Gudoomiyaha iyo Musharaxiinta ayaa waxa ay kulankooda uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka iyo sida ugu macquulsan oo ay ku dhici karto Koonfur Galbeed.

FB_IMG_1536814605886-720x430.jpg

Gudoomiyaha Golaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay muhiim tahay in isbedel maamul uu ka dhaco Koonfur Galbeed si maamulka imaan doona uu u kaamilo waxyaabaha uu qabyeeyay maamulka hadda jira.

Waxaa jira musharixiin ugu cadcad doorashada kuwoo oo uu kamid yahay Mukhtaar Roobow oo la tartami kara Shariif Xasan oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax buuxa.

Waxa ay qaarkood musharixiinta sheegen in ay tahay qasab in laga dhabeeyo isbedelka la doonaayo in laga sameeyo Koobfur Galbeed loona baahan yahay in juhdi iyo waqti farabadan la geliyo.

Sidoo kale,Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa waxa uu wadaa olole ku aadan sidii uu markale ugu guuleysan lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowlada Somalia ayaa dhankeeda dadaal weyn ka galineysa sida ay ku soo saari laheyd musharax kala shaqeyn kara howlaha loo baahan yahay in laga hirgaliyo maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this