Dalmar1

Fist Fight erupts in Puntland's Presidential villa, as Camey severely beats up Gaas!!!

Recommended Posts

Dalmar1   

image.png.defcca549232280ee846208db8e73854.png

Garoowe– Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ay isugu gacan qaadeen gudaha madaxtooyada maamulkaas.

Arrintan oo mananta ah midda ugu hadal haynta badan Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland, ayaa ku soo aadeysa xilli labada mas’uul ay aad ugu kala fogaadeen shikii Kismaayo oo ay dowlad gobolleedyadu wadashaqeyntii dowladda dhexe ugu hakiyen.

Ilo ka ag dhaw xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la soo xiriiray Garowe Online ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku maan dhaafeen xafiiska madaxweynaha, xilli Gaas uu su’aalo ka weydiiyey ku xigeenkiisa lacago uu kala baxay Bankiga markii uu bishii hore aaday magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee, Camey oo ka jawaabaya lacagta lagu eedeeyey ee uu kala baxay Bankiga dhexe ee Puntland ayuu ugu jawaabay “Yaa ku xisaabiya adiga?”, Isla markiiba waxaa ka xumaaday hadalkii labadooda waxa ayna is dhaafsadeen hadallo kul kul oo keetay in Camey istaago gacanna la aado Gaas.

Waxaa labada mas’uul soo kala dhex-galay dadkii goobta ku sugnaa, oo u badnaa shaqaalahooda.

Lacagta badan ee uu Gaas ku eedeeyey in Camey kala baxay Bangiga dhexe ee Puntland waxa ay imaaneysaa xilli uu Camey muddo ku sugnaa Muqdisho, isaga oo markii uu ka soo laabtay shir jaaa’id oo uu Garowe ku qabtay ku sheegay in uu Caasimadda Soomaaliya u aaday arrimo caafimaad iyo dhul uu ku lahaa magaalada.

Dhinaca kale, Camey waxa uu ka soo horjeestay mawqifka Gaas ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray, waxaana aad baraha bulshada ugu baahay sawir ay isku salaamayaan garoonka diyaaradaha ee Garowe, balse muujinaya heerka uu khilaafkoodu gaarsiisan yahay.

Camey ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay dowladda federaalka, hase yeeshee Gaas Ayaan wax ka qabin karin, xilkana ka qaadi karin maadaama Camey si gooni ah loo soo doorto.

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Camay  wants war  cabdi cawar wants no war I bet camay  can beat up the small gaas.  Gaas  1.60 height and  camay is atleast 185  roughly if not taller. One uppercut  gaas is down

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.