Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo la kulmay siyaasiyiinta Muddulood (Kacdoon cusub oo socda?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta u sameeyey qaar ka mid ah xildhibaanada, wasiirada iyo waxgaradka beesha Muddulood  ee uu kasoo jeedo.

Qaar ka mid ah xubnaha kulanka ka qeyb-galay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda dalka, gar ahaan deegaanada beesha Muddulood iyo maqaamka siyaasadeed ee beesha ay ku leedahay dalka.

Dadka kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo. Waxaa sidoo kale joogay xildhibaanada labada aqal ee beesha Muddulood.

Waxyaabaha sida garaka ah beesha uga hadashay ayaa waxaa ka mid ah sidii deegaanada beesha looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haysa iyo sidii gobolka Banaadir uu maqam siyaasadeed oo buuxa ugu yeelan lahaa dowladda federaalka.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo maalmahan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ay ka mid tahay Nairobi ay ka socdaan waxa dadka qaar ay ugu yeereen “kacdoon siyaasadeed” oo beesha Muddulood ay waddo, xilli aad loogu dhaliilay siyaasiyiinta beesha inay ka seexdeen deegaanadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this