Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ay ka qeybqaaten ciidamo cadaan ah oo ka dhacay Mubaarak

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ay xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa iska garabsaday Ciidanka cadaanka iyo kuwa Bancroft kuwaa oo Weerarka ka hore diyaaradihii ay wateen uga degay banaanka deegaanka Mubaarak.
Ciidamadan ayaa gudaha deeganka ku galay lug iyadoo halkaa dagaal culus kula galay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.
Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba leh.
Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa dhacay duqeyn lala eegtay Saldhigyo ay maleeshiyaadka ku lahaayen deeganka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka.
Duqeynta iyo dagaalka tooska ah ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 3  maleeshiyo oo laba kamid ah la sheegay inay ahaayen Horjoogayaal qeyb ka ah maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Sidoo kale, qoraal ay Hay’adda Sirdoonka qaranka Somalia soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak ay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale.

Qoraalka Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la weeraray ay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee weerarka ayaa dhacay xili ay maleeshiyaadka Alshabaab weeraro is xig xiga ka geysteen magaalada Muqdisho iyo Marko.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this