Deeq A. Posted September 12, 2018 Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Guddoomiyahii hore ee Marka, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalyahannada Al-shabaab ay Saddex jiho kusoo weerareen Marka. Waxa uu tilmaamay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, islamarkaana gilgilay guud ahaan magaaladaasi. Yariisow ayuu sheegay in Al-shabaab ay kasoo galaan dhanka Jilib Marka, wuxuuna sheegay in saraakiisha ciidanka xoogga dalka u sheegeen arrintaasi balse aanay dheg jalaq u siin. Mar uu guddoomiye Yariisow ka hadlay khasaaraha dhanka ciidanka dowladda soo gaaray ayuu sheegay iney ka dhaawacantay Saddex Askari, balse dhanka Al-shabaab lama oga. Marka ayaa dhowaan waxaa gabi ahaanba la wareegay ciidanka xoogga dalka, iyadoo dagaal looga saaray Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-MARKA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites