Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dagaal Xooggan Oo Xalay Ka Dhacay Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyahii hore ee Marka, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalyahannada Al-shabaab ay Saddex jiho kusoo weerareen Marka.

Waxa uu tilmaamay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, islamarkaana gilgilay guud ahaan magaaladaasi.

Yariisow ayuu sheegay in Al-shabaab ay kasoo galaan dhanka Jilib Marka, wuxuuna sheegay in saraakiisha ciidanka xoogga dalka u sheegeen arrintaasi balse aanay dheg jalaq u siin.

Mar uu guddoomiye Yariisow ka hadlay khasaaraha dhanka ciidanka dowladda soo gaaray ayuu sheegay iney ka dhaawacantay Saddex Askari, balse dhanka Al-shabaab lama oga.

Marka ayaa dhowaan waxaa gabi ahaanba la wareegay ciidanka xoogga dalka, iyadoo dagaal looga saaray Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-MARKA-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this