Sign in to follow this  
Deeq A.

YARIISOW oo laba sabab ku sheegay weerarada lagu hayo degmooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarada loo adeegsado gaadiidka ee lagu qaado xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka ayaa sheegay in laba todobaad gudahood weeraro loo adeegsaday Gaadiid noocyada raaxada ah lagu qaaday xarumaha degmooyinka sida Howlwadaag iyo Hodan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay sababaha loo weerarayo Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee loo weeraraayo xarumahaasi ay tahay in la diidan yahay dedejinta howlaha Maamulka,isla markaana la diidan yahay horumarka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in cadawga kaliya ee waqtigaan uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga soo wada horjeestaan.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Runtii maalmahaan waxaa la beegsanayey Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababtuna waxa ay tahay waxan bilaawnay howlaha dedejinta Maamulka,waxana ku lug leh Al-Shabaab oo diidan horumarka ayuu yiri duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qarax waliba oo loo geysto xarumaha maamulka aysan ku joojin doonin shaqooyinka ay hayaan.

Geesta kale, Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in inta badan iminka aad loo adkeeyay amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababo la xiriiro dhinaca Amniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this