Xaaji Xunjuf Posted September 11, 2018 Itoobiya iyo Eritrea oo dib isugu furaya xadka labada dal Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii. Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay. Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa. Dib ufuritaanka waddadan ayaa ku soo aaday maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta (Talaado) u dabaal dagayaan sannadka cusub. Xigasho/BBC Quote Share this post Link to post Share on other sites