Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay magacyada Saraakiil ay sheegtay in lagu dilay qaraxii Xarunta Degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururuka Al-Shabaab ayaa ka hadlay khasaarihii ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay ku qaadeyn Shalay xarunta Degmada Hodan.

Mas’uuliyiin iyo howlwadeenno katirsan maamulka degmada Hodon ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka sida ay sheegatay Al-Shabaab

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 20 qof ay ku dhinteen qaraxii islamarkaana dhammaantood ay yihiin saraakiil iyo askar katirsan maamulka degmada Hodon.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha halkaas lagu dilay ay kamid yihiin Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Sandheere oo ahaa taliyaha ciidanka ee degmada iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Saciid Booloow oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir kaas oo sidoo kale qaabilsanaa kormeerka illaa shan degmo oo ay ku jirtay degmada Hodan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dhaawacmay Nin magaciisa lagu soo koobay Saciid oo ahaa madaxa Shatiyada ee maamulka degmada Hodan, sidoo kale waxay sheegtay inay dhaawacday nin lagu magacaabo Mahad Absuge oo isna ka mid ahaa saraakiisha maamulka degmada Hodon ayna isku dhowaayeen guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa.

Websiteyada ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa sidoo kale qoray in qaraxii Hodan ay ku dhimatay haweyn magaceeda aan la sheegin oo aheyd Agaaismaha Ururka Haweenka qaranka Degmada Hodon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this