Deeq A. Posted September 11, 2018 Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa wada raadinta rag hubeysan oo la sheegay in deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen ku dhowaan Shan nin oo ka shaqeynayey shidista dhuxusha. C/fitaax Axmed Aadan, taliyaha saldhigga Booliiska ee Buula-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran. Wuxuu sheegay in ragga falkaasi ka dambeeyey ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin Al-shabaab balse ay dib ka baari doonaan. Lama oga cidda ka dambeysay raggan ka shaqeynayey dhuxusha iyo sidoo kale sababta loo diley. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Taliyaha-Booliska-ee-degaanka-bula-gaduud-ee-mamulka-jubaland-Cabdifataax-Axmed-Aadan-Oo-Ka-Warramaya-Niman-dhuxulay-ah-oo-la-dilay-qaarkoodna-la-afduubaty-goobjoog-fm.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites