Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo si rasmi ah ula wareegtay saamigii ay DP World ku lahayd Doraleh

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale.

Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha Siteembarr soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto.

Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay

Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.

Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD.

Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

ISHA BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this