Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo hakisay Wada shaqeeyntii kala dhaxeeysay Dowlada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan uu hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeeyneyd oo ay la lahaayeen dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka.

Arintaan Ayaa daba socota Kulan Sabtidii la soo dhaafay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Madaxda maamul Goboleedyadu ay ku sheegeen in ay xiriirkii wada shaqeeyneyd ay u jareen Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowlada Dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Jubbaland oo hakisay Wada shaqeeyntii kala dhaxeeysay Dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this