Deeq A.

Five independent Somali parties endorse Kismayo declaration

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe.

Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday.

War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.

41457228_2146775308920911_89746866271881

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think this thing may turn out to be big. It looks like people are sticking out their names for this or that side. It maybe already free play in Mogadishu, people thinking next government already.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wada shaqayntii waan u jarnay waa kalmad culus ma sahlana, balse waxay ku badeleen waan hakinay oo macnaheedu yahay soo noqo habeen dambe una dhaw haasaawe aqal dhis.

Hadaba maxaa isku maslaxad ka dhigay shantaa nin oo aan isku beel ahayn?

Aragtidayda shantuba waxaa dhib wayn ka haystaa maarayntii maamulkooda hoose.

Waxayna is tuseen in shacbiyadda dawladdu ka haysta dadka soomaalida,  ay ugu caawiso siday kusii joogi lahaayeen waana lafo garaacasho tolnimana kama maqna.

Balse sadexda nin labo ka mid ah ma fahamsana riwaayadan usoo alifay madoobe uuna soo saaray Gaaz,  hir-shabeele iyo Gal-mudug si daacada bay makarafoonka usoo hor istaageen xaqiiqdiina waxay la mid yihiin lax dhukan abaar moog.

Koonfur galbeed waa dilaal ka shaqeeya dibadda iyo gudaha waxa laysku haystana dan kama leh

Aragtidayda haddii uu shahaadada Gaas wato haysan lahaa somaaliya maanta laguma wada hadleen ugu yaraan nus buu iibin lahaa khilaafkiisuna waa dhaqaale.

Abeesada ilaahay umadda wuxuu ugu qabtay hurdada, asagana inta jeebkiisu qoyan yahay waa laga nabad geli.

Dawladda waxaan kula talin lahaa shareecadu waxay ogoshahay in middi af badan wax lagu bireeyo inay ka dayso mindidan aan soofaysnayn oo si fiican oo aan dadnayn, wax u kala tuurto

Khaladka ay la yimaadeen hogaamiyaasha goboladu yaan la "daddin", haddii la daddo,ana la daboolo, xal waara la heli maayo abid. 

Dabku hasii waynaado, xalka waxaa la helaa marku dabku damo, ama iskii ha damo, ama roob cirka ha uga yimaado waa hubaal inuusan sii shidnaan karin waligiis

Doorasho cod iyo xalaal ah yaan dalka gaarsiinaynaa waraabayaalna hor joogay ka ahaanayaan wax is qaban kara ma'ahan

Nimankan waa ilig liiq-liiqanaya wax looga baqaan meesha ma yaalaan ayagaa kawaankii yimid

Carabtu waxay ku maah-maahdaa nin ina adeertiis ka xishooday ciyaal kama dhalo.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.