Deeq A. Posted September 9, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe. Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday. War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted September 10, 2018 Clearly the Farmaajo government failed to impress. The perils of Facebook/Twitter presidency. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted September 11, 2018 I think this thing may turn out to be big. It looks like people are sticking out their names for this or that side. It maybe already free play in Mogadishu, people thinking next government already. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted September 11, 2018 Wada shaqayntii waan u jarnay waa kalmad culus ma sahlana, balse waxay ku badeleen waan hakinay oo macnaheedu yahay soo noqo habeen dambe una dhaw haasaawe aqal dhis. Hadaba maxaa isku maslaxad ka dhigay shantaa nin oo aan isku beel ahayn? Aragtidayda shantuba waxaa dhib wayn ka haystaa maarayntii maamulkooda hoose. Waxayna is tuseen in shacbiyadda dawladdu ka haysta dadka soomaalida, ay ugu caawiso siday kusii joogi lahaayeen waana lafo garaacasho tolnimana kama maqna. Balse sadexda nin labo ka mid ah ma fahamsana riwaayadan usoo alifay madoobe uuna soo saaray Gaaz, hir-shabeele iyo Gal-mudug si daacada bay makarafoonka usoo hor istaageen xaqiiqdiina waxay la mid yihiin lax dhukan abaar moog. Koonfur galbeed waa dilaal ka shaqeeya dibadda iyo gudaha waxa laysku haystana dan kama leh Aragtidayda haddii uu shahaadada Gaas wato haysan lahaa somaaliya maanta laguma wada hadleen ugu yaraan nus buu iibin lahaa khilaafkiisuna waa dhaqaale. Abeesada ilaahay umadda wuxuu ugu qabtay hurdada, asagana inta jeebkiisu qoyan yahay waa laga nabad geli. Dawladda waxaan kula talin lahaa shareecadu waxay ogoshahay in middi af badan wax lagu bireeyo inay ka dayso mindidan aan soofaysnayn oo si fiican oo aan dadnayn, wax u kala tuurto Khaladka ay la yimaadeen hogaamiyaasha goboladu yaan la "daddin", haddii la daddo,ana la daboolo, xal waara la heli maayo abid. Dabku hasii waynaado, xalka waxaa la helaa marku dabku damo, ama iskii ha damo, ama roob cirka ha uga yimaado waa hubaal inuusan sii shidnaan karin waligiis Doorasho cod iyo xalaal ah yaan dalka gaarsiinaynaa waraabayaalna hor joogay ka ahaanayaan wax is qaban kara ma'ahan Nimankan waa ilig liiq-liiqanaya wax looga baqaan meesha ma yaalaan ayagaa kawaankii yimid Carabtu waxay ku maah-maahdaa nin ina adeertiis ka xishooday ciyaal kama dhalo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 11, 2018 One-person led so-called political parties by failed corrupt siyaasi men. Nothing to see here. Quote Share this post Link to post Share on other sites