Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneral Cabdalla Cabdalla oo dacwad maxkamad ka gudbiyay madaxda NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray.

Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla.

Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin.

dacw-696x1000.jpg

dacwa1-579x1024.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this