Deeq A. Posted September 9, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda qoraal ay 5-tii bishan u dirtay dowlad goboleedyada iyo Banaadir waxaa ay ku sheegtay in loo baahanyahay xisaabcelin la xiriirta isticmaalka u gudbiso dowlad goboleedyada gaar ahaan inta u dhaxeysay 01/01/2018-30/06/208, iyaga oo loo soo diri-doono wasaaradda maaliyadda, waxaa kale oo ay dowladd codsatay lacagaha ay dowladda ku bixisay maamul goboleedyada 2017-kii. Dowlad Goboleedyada..Imisa Ayey Ka Heleen Miisaaniyadda? 2018: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: $10.65 million; Puntland: $ 2.0 Million; Jubbaland: $ 1.08 Million; Southwest: $ 2.8 Million; Galmudug: $ 2.8 Million; HirShabelle: $ 2.8 Million 2017: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: Puntland: $4.7 Milyan Jubbaland : $2.7 Milyan Southwest: $14 Milyan Galmudug: $1.4 Miylan iyo HirShabelle: $750,000. Xilli ay dowladda federaalka ah dalbaneyso xisaabcelinta dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay jirto in war-murtiyeed ay bishii May ee sanadkan ka soo saareen kalankoodii ay Baydhabo ay ku sheegeen arrin aad u xiiso badan. War-murtiyeedka waxaa ku jirtay “ Waxaa dhaqaale badan oo ku aadan kabidda miisaaniyadda dalka oo dowladda dhexe ka hesho dalal iyo hey’ado kale oo deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee dowladda dhexe ma ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaasi aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada. Sidaasi darteed goluhu wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dalalkaas iyo hey’adahaas inay sameeyaan qoondeyn ku saabsan labada heer dowladeed si loo xaqiinjiyo midnimada iyo isku heynta dalka”. Haddaba, haddii ay dowlad goboleedyada leeyihiin shillin kama helno miisaaniyad kabadidda deeq-bixiyeyaasha, halka ay dowladda leedahay waan idiin quudinnaa….yaa run sheegaya? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites