Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan iyo Waare oo hadalo kulul oo ka dhan ah DF kusoo xiray Shirkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa siaag oo Maanta hadal kooban ka jeedinayey xeritaankii Shirkii golaah Iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa uu soo bandhigay dhibaatada ugu daran ee xiligaan heysata.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dadka degaannada Koofur Galbeed ay ku dhib qabaan waddooyinkaas,waxaana uu dowladda ka codsaday in ay fuliso  ballamihii hore ee ahaa in la furo waddooyinka muhiimka ah.

Al-shabaab ayaa maanta labo weerar ka kala geystay degaannada Makuuda iyo Sabbuun oo ka kala tirsan Gobollada Bay iyo Shabeellaha dhexe waxaana ku dhintay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

” Anaga dhibka ugu badan waxuu inaga heystaa Jidka Muqdsho Baraawe Muqdisho Baydhabo. Waxaan u baahanahay in laga shaqeeyo sidii dhulkaa loo xoreeeyn lahaa. Dowladana waxaan ka sugeynaa iney garowsato waxa wadanka ka jira”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo hadlayay kaddib shirkii Kismaayo ugu soo gaba gaboobay ayaa sheegay in shacabka degaannada Hirshabeelle ay kula xisaabtamayaan amaanka waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,isaguna uu ka codsanayo dowladda Federaalka ah in ay waddadaas u furto.

Waxaa uu sheegay in marka Dadka Hirshabeelle ay codsi weydiistaan isaga uu isaguna dowladda Federaalka ah weydiisanayo in ay howshaasi qabato.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this