Deeq A.

Afar Kooxood Oo Gambadh ugu Fadhiya Inay Fashiliyaan Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar Kooxood Oo Waysada U Biyaystay Inay Fashiliyaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dagaal Toos Ah Iyo Mid Dadbanba Ku Haya, Waxa Ay Ka Tirsanayaan Iyo Ujeedooyinka Ku Lamaan

Image result for muuse biixi caraysan
 
 

Inkasta oo dad badani ku doodaan in Xukuumadda-socod baradka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay wali wajihin dagaal-siyaasadeed iyo mucaaradad xooggan oo kaga timaadda xisbiyada Mucaaridka ah ee Dalka haddana tan iyo Markii Madaxweynuhu talada dalka la wareegay dabayaaqadii sannadkii hore waxa Jihooyin dhawr ah kaga furan furimo dagaalo oo siyaasadeed kuwaasi oo ku aroora dhinacyo dhawr ah oo ay Madaxweynaha hoosta iska qaniinsan yihiin.

Qormadan kooban waxa Wargeyska Foore ku eegi doonaa Jihooyin dagaal siyaasadeed oo hoose iyo mid cadba kula jira xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kuwaasi oo siyaalo kala duwan mucaaradadoodu ugu wajahan tahay Madaxtooyada inkasta oo aan la odhan Karin waa Mucaaradad la mid ah middii ay hore u soo wajaheen Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey ee ay ka mid ahaayeen Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wallow aanu Madaxweyne Siilaanyo isagu ku riiqmin guluf siyaasadeed oo kaga yimaad xisbiyada Mucaaridka ah iyo jihooyin kale toona.

 

Dad badan oo lafa-gur ku sameeya siyaasadda Gudaha Somaliland waxa ay ku doodaan inkasta oo aanay xoogganayn doorkii Mucaaridnimo ee Xisbiyada Mucaaridka ahi haddana waxa bar-bilow ah mucaaradad siyaasadeed oo xawli ku socota oo ka dhan ah Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa kuwaasi oo ka shidaal qaadanaya ugu yaraan shan kooxood oo mid kastaa damac iyo doonis gaar ah leedahay.

Waxaana Jihooyinkaasi Ka Mid Ah: 

  1. Koox Siyaasiyiin ah oo ay Madaxweynaha dhex taallo utun siyaasadeed oo guun ah, soona taxan iyo illaa qaaxo, ugxanteeduna qaraxday horraantidii sagaashameeyihii wakhtigii Somaliland dhismaysay. Siyaasiyiintaasi oo dalka muddo ka maqnaa waxa ay wakhtigan si toos ah iyo si dadbanba door firfircoon ugu leeyihiin Mucaaradad ka dhan ah Madaxweynaha shaadhka ay doonto ha xidhnaatee. Siyaasiyiintani waxa ay dhabarka saareen kala qaybsanaanta dhinaca beelaha ee ay keentay doorashadu iyaga oo Madaxweyne Muuse dhufays uga dhigan doona kala qaybsanaantaasi oo wakhtigan sii xoogaysatay, walina aanu Madaxweynuhu la iman xal ugu yaraan lagu qaboojiyo dareenkaasi (Attention).
  2. Beelihii taageeray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ka soo horjeeday Xisbiga KULMIYE ee Madaxweynuhu ka sharraxnaa waxa ay udub-dhexaad u yihiin daneeyayaasha Mucaarid (resistance stakeholders) kuwaasi oo gar iyo gar darradaba xaalad Mucaaridnimo oo keeb la yuurur ah ku wajihi doona Madaxweyne Muuse Biixi. Deegaamada laga taageeray xisbiga WADDANI waxa ay u xuub-siibanayaan siyaasad Mucaaridnimo oo beelaysan si adagna u kululayn doonta Xukuumadda iyo xisbigeeda oo ku suntan laba beelood.
  3. Koox Siyaasiyiin u badan oo ka tirsanaa isla xisbiga KULMIYE, qaarkoodna xubno firfircoon ka ahaayeen xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, doorna ka soo qaatay soo bixitaankii Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii doorashada balse ku guul darraystay in ay ku soo baxaan liiska kuraasta xukuumaddiisa ayaa inkasta oo aanay saamayn siyaasadeed iyo Mucaaradad xooggan oo muuqata wakhtigan lahayn haddana waxa ay ka mid yihiin unugyo huursan (Sleep Cells) kuwaasi oo aan la dhacsanayn Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa wakhti kastana ka badheedhi kara kacdoon siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxtooyada. Kooxahani waxa ay wakhtigan ku jiraan xaalad guux ah oo hoose iyo dacaayado ku kooban in ay Madaxweynaha kaga soo ganaan Majaalista iyo goobaha ay fadhi wadaagta ku yihiin. waxaanay ra’yul caamka ku dhex faafiyaan hadallo dhaliil ah oo ay ku durayaan xaaladda xukuumadda Muuse dalka galisay mudadii ay joogtay.
  4. Kooxo isku dhafan oo loo tirinayo in ay ka hodmeen hanti badana ka yeesheen xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaano iyo Madax kale oo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in la sii wado baadhitaankii Musuqmaasuq ee ay Bilaabeen Golaha wakiiladu, taasina waxa ay keentay in ay dabada galiyaan beelahooda oo ay dagaalo siyaasadeed kala hor yimaaddaan Xukuumadda si ay uga mashquuliyaan in lasoo faqo boogohii Musuq ee ay hore ugu suntanaayeen. Kuwani inkasta oo aanay sida kooxaha hore saamayn weyn wali yeelan haddana muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dhaqdhaqaaqooda laga dheehan karayay deegaamada ay ka soo jeedaan iyo guud ahaan dalka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

The article forgot the 5th group which is the most important group : Koox Galbeedi. 

That is the most dangerous group that will eventually bring down Muuse Biixi. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulmiye is the biggest party I think with biixi won last year 2017 its very difficult for an opposition to be strong to the incumbent govt how ever I believe we in Somaliland should work with the govt no need for pointless opposition with no fresh idea's  also Biixi needs to implement allot of New things he is  stocking allot of money I think by next year development projects need to be implemented. I don't think he will face any real  mucaraadnimo from wadani or ucid. It's just individuals who are angry with muse personal vendetta also some want positions he refuses to give for the first time Somaliland has a strong leader from the SNM halgan who know the struggle what we went through Somaliland is in good hands. As long as he capitalizes on the shortcomings of geele and changes the foreign minister to a more well suited person to that position it's all good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.