Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyada dhashay Cumar Shariif JEEG oo kashiftay cida ka dambeysa xarigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hooyada dhashay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ayaa ka hadashay xarigga wiilkeeda,waxaana ay sheegtay in wiilkeeda uu ku xiranyahay dabin loo dhigay.

Waxaa ay sheegtay in Xisaabiyaha Dowladda hoose ee Muqdisho uu dabinkaas u dhigay wiileeda islamarkaana lacago loogu talagalay dad masaakiin ah uu xisaabiyaha dalbaday in saami laga siiyo.

“Waxa weeye Cumar Shariif Mishinaa loo dhigay, mishinkaasina waxaa u dhigay ninka xisaabiyaha ka ah dowladda Hoose, waxaan codsanayaa in wiilkeyga lasii daayo, Farmaajo balaayo kaa daba adeeganaysa allaha hakaa qabto”ayay tiri hooyadasha dhashay Guddoomiyaha Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.

Cumar Shariif Hooyadii ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka dalbatay in wiilkeeda laga siidaayo xabsiga si shuruud la’aan ah.

Cumar ayaa la xiray todobaadkii la soo dhaafay kaddib amrkii lagu eedeeyay in uu af lagaaddo u geystay Booliska Qaranka,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Muuqaal laga duubay Cumar ayaa muujinayay isaga oo taagan guri la bur buriyay oo ku yaalla Xamarweyne,kaas oo warqadda lagu bur buriyay uusan isaga ogeyn,isaga oo warqadda haya ayuu sheegay in Gurigaas la dumiyay isaga oo aan la ogeysiin musuq maasuqna tahay waxa ka socda Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this