Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
JALAM-XARFO.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1Inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay joojisay  maal-gelinta mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,kadib markii ay xisaab-celin ka waday hay’adihii dowladda Puntland ee qaabilsanaa fulinta iyo hir-gelinta mashruuca.

Warbixin ay soo saartay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi,ayaa lagu sheegay in mashruuca  dayac-tirka laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo, oo ay dowladda Jarmalku maal-gelinaysay uu ka socon waayay,daahfurnaan la’aan ka timid  dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA).

Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa Jarmalka wakiil uga ahaa hay’adda u qaabilsan dhanka horumarinta ee(GIZ),halka hir-gelinta iyo fulinteeda loo xilsaaray hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA),waxaana loogu tala-gelay,dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga,gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

Sida lagu xusay warbixinta ay soo saartay safaaradda Jarmalku,mashruucan ayaa la qorsheeyay in uu bilowdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,hase yeeshe qorshahaasi ma hir-gelin,kadib markii dhinaca PHA laga waayay daahfurnaan iyo xisaab-celin lagu wada-shaqeyn karo.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this