Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka Al-Shabaab & Axmed Iman oo sababay geerida Horjogayaal Ajaaniib ah (Magacyo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa khaarijisay horjoogayaal ajaaniib ahaa oo ka tirsanaa Kooxda kuwaa oo la sheegay in markii danbe ay ku biireen Daacishta Somalia.

Maleeshiyada ayaa Horjoogayaasha ku khaarijisay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen AMISOM iyo DFS.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dishay laba Horjooge oo markii dambase ku biiray Daacish, hase yeeshee dusha laga saaray inay ahaayen basaasiin.

Horjoogayaasha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Yuusuf Xasan iyo Axmed Nuur Cosoble oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Kenya.

Dadka kale ee Kenyaanka ah ee la dilay waxaa ka mid ah Ardey ka tirsanaa Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya,kaas oo ku biiray Al-shabaab,waxaana lagu magacaabi jiray Jared Mukaya Omambia.

Waxaa xubnaha ay Khaarijiyeen Al-Shabaab ee iyaga ka tirsanaa kamid ahaa Cabdalla Talal Musa iyo Faraj Abdulmajid oo iyaguna ka soo jeeda Mombasa, waxaana dilkooda xaqiijisay dowlada Kenya.

Sidoo kale, Wargeysyada Kenya ayaa qoray in dilalka Horjoogayaasha iyo muwaadiniintaasi ay ka danbeysay kadib markii taliye sare oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Axmed Iman Cali ay isku dhaceen Hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

Axmed Iman Cali, ayaa iminka doonaya in uu ku dhawaaqo ku biirista Kooxda Daacish ee uu Hogaamiyo Cabdulkhaadir Muumin.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan disha Horjoogayaasha kasoo jeeda dalka Kenya oo dilkooda marmarsiyo looga dhigo inay basaasiin yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this