Sign in to follow this  
Deeq A.

JABOUTI oo aan liiska dowladaha ka dhex shaqeynaya xalinta Khilaafka kala dhexeeya ERITEREA aan ku darin Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in kaalinta wadahadalka kala dhexeeya dowlada Eriterea ay uga mahad celineyso dowlada Sacuudi Arabia.
Qoraal lagu soo daabacay bogga Twitter-ka uu ku leeyahay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay In dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadineyso labada dal.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda.

Wasiirka waxa uu soo hadal qaaday oo uu ka hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia  ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirku kama uusan hadal kaalinta ay dowlada Somalia ka qaadaneyso wadahadalka oo la rumeysan yahay inay  sabab u tahay Somalia.

Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabouti ayaan la ogeyn sababta ay Somalia uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaaya xalinta khilaaf Siyaasadeedka Eriteria iyo Jabouti.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this