Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii fuliyey qaraxii 14-kii October ee Zoobe oo duqeyn lala beegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, oo ay heshay Caasimada Online, duqeyn xooggan oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab, oo ku lug lahaa qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Xogta ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegeysa in sarkaalkaasi la aaminsan yahay inuu si gaar ah kaalin xooggan ugu lahaa weerarkii ugu cuslaa tariikhda Soomaaliya ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah ayaa waxaa ku dhintay 587 qof, waxaana ku dhaawacmay 316 qof oo kale. Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo midkii shanaad ee taariikhda dunida.

Sarkaalka weerarka xalay beegsaday ayaa waxaa sidoo kale la socday saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab. Inkasta oo weerarka lala beegsaday xubnahan, haddana weli ma cadda geeridooda.

Sidoo kale, ma cadda cidda fulisay weerarka, hase yeeshee waxaa loo badinayaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Ma jirto cid illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saartay weerarkan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this