Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Xilka ka Qaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland Post-Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu xilalkii uga qaaday taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa.

Wareegtada oo ku taariikheysan 1/9/2018 ayaa lagu sheegay in xilalkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali Aweys iyo ku xigeenkiisa Cabduqaadir Maxamuud Owbakar.

Sidoo kale waxaa Wareegtada Taliyaha Cusub ee Nabadsugida Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabey Colaad Cabdulaahi Cismaan.

Hoos Ka Akhriso sababta keentay xilka qaadista iyo Magacaabista.

Wareegtada-Madaxweynaha.jpg?resize=720%2

Cabdiqani Boos 

Puntland Post 

The post Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Xilka ka Qaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this