Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan arrin oo ay dowladda Farmaajo uga faa’iideysan karto saameynteeda cusub ee siyaasadda GOBOLKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa muuqata saameynta soo koreysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso mandiqadda Geeska Africa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Soomaaliya sida laga garaabi karo waxa ay saaxadda ka maqneyd muddo ku siman rubuc qarni kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe 1991-kii.

Hase ahaatee, tan iyo markii uu Itoobiya ka dhacay is beddelka siyaasadeed, la wiiqay saameyntii jahbadda TPLF ee gundhigga u ahayd degenaansho la’aantii siyaasadeed ee waqtiga dheer regeedisay gobolka, waxa ay faraj kheyr qaba u noqotay deegaanka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay kow ka ahayd kuwa ay sida xun u saameysay siyaasadeed qaska ku dhisneyd ee Itoobiyadii TPLF.

Hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay siyaasadda gudaha walow aysan le’ekeyn intii la rabay, waxaa sare u kacay meeqaamkeeda diblomaasiyadeed ee mandiqadda,  waxaana wali u furan in ay fursadaas uga faa’ideysato shanta arrimood ee hoos ku xusan.

1 – Xasillinta siyaasadda gudaha

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon mar haddii laga reystay faragalintii TPLF, in ay awoodda isugu geyso sidii ay xasilloonida siyaasadda dalka ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad u siin lahayd.

Tusaale, maadama lagu heshiiyey in dowladaha gobolka ay qadariyaan madax banaanidda kuwa kale, yeysan dhicin in hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada sidoodii hore ugu dhuuntaan Addis Ababa iyo kuwa kaleba.

2 – Ciribtirka Al Shabaab

Waa in ay dowladda uu hadda xiriirkooda halkii ugu sarreeysay in uu joogo u muuqdo ay ka hesho wax ay uga bedelato – Waa in ay hadda Itoobiya daacad ka noqoto la dagaalanka Al-Shabaab si waqtiga ugu dhaqsiyaha badan looga sifeeyo dalka. Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo weliba ku sugan gobollo Shabaabku ku xooggan yihiin.

3 – Somaliland

Dowladda Somaliya waa in qadarinta soohdinta iyo badax banaanida lagu heshiiyey aysan noqon mid ay iyadu oo kaliya tixgaliso, dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti waa in ay ka fogaadaan in ay Somaliland ula macaamilaan sida dowlad ka madax banaan Soomaaliya. Dabcan, Somaliland in arinteeda sida ugu quruxda badan loo xaliyo waa himilada qof walba oo Soomaaliyeed, loogana fadhiyo in ay dar dar galiso dowladda Soomaaliya, sida ugu habboon ee loogu hoyan lahaa Hargeysa, looga raaligalin lahaa wixii militarigii u geystay ilaa lagu xaalmariyo wax walba oo ay ku qancaan.

4 – Jabuuti

Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba qadiyadda Jabuuti miiska saartaa oo ay ku dartaa ajandayeesha ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya isugu yimaadaan, dabcan, waxaa qasab ah in ay ku dadaasho sidii ay Asmara uga bixi lahayd dhulka ay ka haysato Jibuuti, una joojin lahayd colaadda, taas la’aanteed, Soomaaliya qeyb kama noqon karto kulamada looga hadlayo masiirka gobolka.

5 – Dhisidda ciidamada qalabka sida

Walow ay iminkaba socoto, hadana, dowladda Soomaaliya waa in ay uga faa’ideysato culeyska ka dagay iyo heshiiska bilowga ah ee mandiqadda Geeska Afrka ka bilowday in ay ku soo celiso cududii dalka. Waa ina y xoogga saarto sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhisi lahayd ciidamo suga xuduudaha dalka oo dhan si heshiisyada aynu geleyso hadhow noogu noqon middi calool ku carartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this