Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ajnabi ah iyo kuwa DF oo weeraray guriga Aadan Cadde, kalana baxay saddex qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Jannaale (Caasimada Onlien) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saraakiil shisheeye oo wehliyay ayaa weerar ku qaaday subaxii hore ee arbacadii guri uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle.

Cismaan Caddow oo ah hooyada dhashay laba ka mid ah wiilasha la xirey iyo Sucaad Cabdullaahi Xaaji, oo wiilasha la xirey ay walaalo yihiin ayaa sheegay in ciidanka ay ahaayeen sided askari oo isugu jira Soomaaliya iyo caddaan.

Waxay sheegeen in ciidanka ay diyaarad uga soo dageen meel u dhow beerta Aadan Cadde, oo guriga uu ku dhex-yaallo, kadibna ay guriga soo galeen, ayaga oo khasaare burbur u gaystay.

Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay inuu lahaa allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde. Boorsada ayaa qoyska ay sheegeen inay iyaga xitaa aqoon waxa ku dhex jira.

Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in la weydiiyey amiiro Al-Shabaab ah, oo ay sheegeen in ciidamada weerarka soo qaaday ay ku tuhmayeen guriga ay weerarka soo qaadeen.

Saddexda wiil ee ciidamada ay wateen ayaan la ogeyn illaa iyo hadda meesha ay la aadeen ciidamada. Qoyska ayaa sheegay inay warar aysan hubin ku maqleyn in wiilasha lagu hayo Villa Somalia.

Hoos ka dhageyso wareysi ay VOA la yeelatay qoyska.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Aadan-Cadde.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this