Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiyadii gobolka oo u dheeliday dhanka Eritrea & Jabuuti oo banaan joogta

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Markabkii ugu horeeyay ee ganacsi ee ay Itoobiya leedahay ayaa 20 sannadood markii u horaysay shalay si rasmi ah ugu xidhay dekedda Musawac ee dalka Ereteriya.

Markabka caanka ah ee “The Mekelle” oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku xidhanayay Djibouti, ayaa shalay markii uu gaadhay dekeddaas waxa ka dul babanayay labada calan ee Itoobiya iyo Ereteriya, waxaana markabkaas dekedda ku qaabilay Madaxweynaha Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo sugayay. Wuxuu ka yimid Sucuudiga, waxaanu 11,000 Zinc gayn doonaa dalka Shiinaha sida ay warbaahintu baahisay.

In Markabkaas caanka ah ee Itoobiya uu tago Ereteriya waxa ay muujinaysaa in ganacsigii Itoobiya ee u xidhnaa Djibouti uu hadda geedi u yahay dalka Ereteriya. Waa calaamad muujinaysa isbedelka ku yimid istaraajiyadii ganacsi ee gobalka Geeska Afrika.

Waxa maanta uu magaalada Asmara uu shir uga furmayaa madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaana Asmara ku sugan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaana shirkan qaban qaabisay dawladda Ereteriya, waxase shirkan u furmaya dalalka gobalka Geeska Afrika ka maqan Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkan iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Shirkan waxa uu gogol xaadh u yahay sidii la’isugu xidhi lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeedsatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.”

Shirarka noocan ahi waxay hore uga dhici jireen Djibouti oo qaban qaabin jirtay, waxaana ka maqnaan jirtay Ereteriya oo ku jirtay go’doon diblomaasiyadeed, laakiin maanta waxa shirkan qaban qaabisay Ereteriya waxaana ka maqan Djibouti. Tanina waa calaamad muujinaysa isbedel  ku yimid diblomaasiyadii gobalka Geeska Afrika.

Soomaaliya oo ay siyaasadeeda ku xidhnaan jirtay Djibouti, ayaa hadda u muuqatay inay u baydhay dhinaca ay u socoto dabaysha gobalka ka socota, oo ay dooneyso inay la jaan qaado isbedelada socda.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay diblomaasiyiintu dareensanyihiin inay socdaan isbedelo aan la filayn oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanay ka sokow gobalka Geeska Afrika saamayn ku yeelan karaan bariga Afrika, waxaanay dadka siyaasadda iyo xidhiidhka caalamka falanqeeyaa aaminsanyihiin inay isbedeladan qayb ka yihiin quwado shisheeye oo doonaya  inay adkeeyaan danahooda gobalka Geeska Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this