Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya oo u dhoofay Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay  magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea,isagoo ku sii jeeda waddanka Djibouti,sida ay daabacday Wakaaladda Soomaaliya ee SONNA.

Wasiirka ayaa waxa socdaalka ku weheliya,wasiirada Arrimaha debadda dalalka Ethiopia iyo Eritrea,waxaana mas’uuliyiintan ay magaalada Jibouti u tegayan,wada-hadal lagu soo af-meerayo xurgufta u dhexaysa Djibout iyo Eritrea,sida ay sheegtay Wakaaladdu.

Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa ku hawlan xallinta khilaafka u dhexeeya Eritrea iyo Djibout oo ku salaysan soohdinta ay wadaagan labada dal,halkaasoo dagaal ku dhexmaray sannadkii 1998.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya oo u dhoofay Djibouti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this