Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo, Afwerki iyo Abiy oo heshiis saddex geesood ah kala saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobada faah-faahsan ee heshiiska ay gaareen.

Waxaa sidoo kale qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September.

Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee wadamada gobolka, maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika.

40848409_1871733536244449_25590123948020 40769436_1871733476244455_63236411448864 40989951_1871733042911165_81429230158316 40774078_1871733002911169_68776069415525

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this