Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 32 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Marka lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka ku soo qabtay dagaallamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Hawlgalka ayaa lagu  soo qabtay in ka badan 32 dagaallamayaal iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku hawllanaa falal amni-darro ah,sida lagu daabacay Wakaaladda.

SONNA waxay sheegtay in dhammaan xubnaha lagu qabtay hawlgalkaasi ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo amniga khalkhal gelinaya.

Sidoo kale Wakaaladdu waxay sheegtay  in xubnaha la soo qabtay uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa  dilka qorshaysan ee lagu laayo shacabka degmada Marka.

Sarkaalkan ayaa qirtay in uu dad aan waxba galabsan ku laayay magaalada Marka ,sid ay daabacday SONNA.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 32 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Marka lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this