Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Qaran oo musuq maasuqay ergada dooraneyso kursi ka banaan Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuuso-Mareeb lagu doortay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka uuna ku guuleystay C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa guddiga doorashooyinka Qaranka ee madaxa banana wuxuu sheegay in doorashada xigta ay ka dhacayso magaalada Baydhabo.

Xaliimo Ismaaciil Xaliima Yarey guddoomiyaha Gudiigaasi ayaa sheegtay in 2 kusri oo deegaan doorashadoodi ay tahay Koonfur Galbeed lagu dooran doono magaalada Baydhabo,iyadoo ku baaqday in loo diyaar garoobo arrintaasi.

Labada kusri ee bannaan ayaa kala ah Xuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Khaliif C/llaahi duurey oo dhawaan geeriyooday,kana tirsanaa Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in lagu heshiiyey xubnihii dooran lahaa kursigii uu baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda balse Caasimadda Online oo dabagal ku sameysay arrintaan ayaa soo ogaatay in guddiga uu qeyb ka yahay musuq maasuq la doonayo in lagu soo saaro musharax  la dhashay Xuseen Cusmaan Xuseen  oo lagu magacaabo Sayid Cali Xuseen.

Taliyaha Nabadusgidda oo horey kursigaan u baneeyey ayaa u hanjabay Musharixiinta kursigaas isku soo taagay sidoo kalana wuxuu wadahadal la galay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyadoo ay jirto ballan qaad lacageed oo aad u xoog badan oo miiska loo soo saaray guddiga.

Guddigga Doorashooyinka Madaxa banaan ayaa ansixiyey 50 Ergo oo uu keensaday Taliyaha Nabadsugidda, wuxuuna guddiga madaxa banaan ku been abuurtay musharixiinta kale oo uu sheegay inay raali ka yihiin.

Caasimadda Online oo la hadashay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee soo dooran lahaa Kursigaas  ayaa sheegay in guddiga madaxa banaan lagu cadaadinayo inay diinwaageliyaan ergo hal dhinac ah waxaana musuq maasuqaan xoogiisa wado Taliyaha Nabadsugidda oo rabo inuu walaalkiis booskaas ku fadhiisto.

Guddiga doorashada oo laga filayey inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah ayaa bilaabay inay musuq maasuqaan kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ka banaan oo ay ku qaadanayaan lacago aad u badan waxayna arrintaas shaki weyn gelineysaa sida loogu aamini karo doorasho qof iyo cod ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this