Deeq A. Posted September 5, 2018 Waxaa guud ahaan dhamaatay waqtigii xil heeynta xog-hayah gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobaya ayaa soo magacaabay shaqsigii badali Lahaa Mr Keating. Nicholas Haysom oo 66-sano jir ah una dhashay dalka Koonfur Afrika Ayaa badali doono Micheal Keating . Nicholas Haysom ayaa ahaa ErgeygiiQaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan. Sarkaalkan cusub oo ah Qareen ayaa ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta, iyada oo la sheegay inuu ku soo fashilmay arrimaha Suudaanta Koofureed oo xilligan colaada iyo xaalado bani’aadanimo ka jiraan. Sarkaalkaasi ayaa lagu wadaa in uu dhowaan soo gaaro Muqdisho si uu badalo Micheal Keating Keating oo xafiiska Qm ee Soomaaliya la wareegay January 2016-kii ayaa horay u badalay Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Nicholas Haysom oo badalaya Micheal Keating appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites