Deeq A. Posted September 4, 2018 Cabdullaahi Gafoow Maxamuud Taliyihii hore ee NISA ahaana Taliyihii laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Dhuusamareeb. Kursigaan waxaa horay isaga casilay walaalkii Cabdiqaadir Gaafoow Maxamuud 19-kii Bishii hore ee sanadkaan. General Gaafoow ayaa helay 43-cod halka Musharax Muxudiin oo la tartamayayna uu helay 7 cod oo kale ah. Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa ku dhawaaqday Natiijada doorashadii maanta. Madasha doorashada maanta ka dhacday waxaa ku sugnaa xubno isu jira siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin Galmudug Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gafoow oo ku guuleystay Xildhibaan Federaalka ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites