Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyga Xasan Sheekh oo isku bedelay Madaxtooyo yar & Mas’uuliyiin Feel ugu jira

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirar joogta ah oo ka socda Hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirarka ka socda Hoyga Xasan Sheekh ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah diblumaasiyiin shisheeye oo ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo xogo ay kala qaadanayan Xasan Shrekh.

Waxaa qeyb ka ah shirarka ka socda hoyga Xasan wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan AMISOM.

Mas’uuliyiinta ku qulquleysa Hooyga ayaa waxaa ka dhex muuqda Siyaasiyiin ku caan baxay dhaliilaha dowlada Somalia iyo dhex dhexaad ka ah Siyaasada dalka, halka ay kaabayaan Odayaal dhaqmeed.

Ilinka hore ee laga galo Hooyga Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa yaala Liiska mas’uuliyiinta u socta booqashada, waxa ayna sidoo kale kulamo kuwaa lamid ah ka dhacaan Hoteel Jazeera.

Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta qaar kula kulma Hoteel Jazeera waxaana xusid mudan in Xasan uu wado abaabul Xisbi mucaarad.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa waxaa feyl ugu jira mucaaradka dowlada Somalia oo iyagu doonaaya inay ka dhex muuqdan Xisbiga la aasaasayo.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh qudhiisa ayaa baadi-goob ugu jira xubnaha ugu waaweyn mucaaradka dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this