Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Qaraxyada biishii August ka dhacay MUQDISHO & Inta uu la’eg yahay Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii Aug 2018 ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeeyay.

Qaraxyada dhacay bishii Aug ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday ku dhajinta.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 10 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

1- Aug 2, 2018, Qarax Gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Waabari, gaar ahaan agagaarka isgooska Debka ee magaalada Muqdisho, waxaana gaariga lahaa nin magaciisa lagu soo koobay Sharmaarke oo la sheegay inuu kamid ahaa shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

2- August 5, 2018, Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxaalagu weeraray Baar Soomaali Café oo ku yaala agagaarka Isgooska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooday ilaa Afar ruux, halka todobo kale ay ku dhaawacantay.

3-Agust 8, 2018. Qarax loo adeegsaday ilaa iyo laba miino ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan Agagaarka SOS, waxaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

4-Aug 14,2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weeraray Mooto bajaaj uu la socday askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili ay marayeen Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan Degmada Heliwaa, waxaana ku dhintay Mootoolaha, halka askariga oo saarnaa mootada qaybta dambe dhaawac uu soo gaaray.

5- Aug17, 2018, Qarax noociisa uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan wadada Taleex waxaana ku dhintay hal ruux, halka Seddex ruux uu soo gaaray dhaawac.

6-Aug 23, 2018, Qarax miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ee magaalada Muqdisho kaa oo dhacay xili halkaa ay marayeen kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Wasiir ku-xigeenkaWasaaradda Gaashaandhigga C/laahi Colaad Rooble, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ah.

7- Aug 27, 2018, Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Al-Baraka e degmada Hodan kaa oo loogu soo xiray askar ka tirsanaa dowlada oo midi uu ku dhintay Qaraxa, halka kan kale uu dhaawac soo garay.

8- Aug 29, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Taleex degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo la soctay gaariga.

9-Aug 30, 2018, Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacday xaafada Geed Jaceyl, degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay afar ruuxay oo shacab ahaa.

10-Aug 30, 2018, Qarax miino ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM xili ay marayeen Xaafada Suuqa-Xoolaha ee degmada Heliwaa waxaana ku dhintay hal ruux.

Qaraxyada ka dhacay Muqdisho Bishii Aug ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa.

Caasaimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasaimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this