Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaritaan: Al-Shabaab oo bilo kooban ku geystay 418 weerar (Akhriso sida ay u dhaceen)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee jooga Somalia ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay weerarada ay ka geystaan Gudaha iyo Gobolada dalka.

Al-Shabaab ayaa weerarada si siman uga geysta magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka kuwaa oo isugu jira kuwo toosa iyo kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah.

Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in mudadii u dhaxeysay October 2017 ilaa April 2018 ay Al-Shabaab geysatay weeraradii ugu xooga badnaa oo ka dhaca Somalia.

Mudadaasi oo ay u dhexeyso lix bilood ayaa lagu sheegay in Shabaabka ay geysteen weerarada ugu badan oo ay ku dhamaaden muwaadiniin badan.

Waxaa baaritaanka lagu sheegay in 75% weerarada Al-shabaab ee 418-ka ah ay ka dhaceen Koofurta Somalia, halka 30% ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha Muqdisho.

Weerarada ayaa 4% waxa ay ka dhaceen dalka Kenya, taas oo sanadihii la soo dhaafay noqotay meel dagaal, waxa ayna kor usii qaaday weerarada ay geystaan Shabaabka.

Baaritaanka waxaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay 40% weerarada u ageesatay sida Qaraxyo culus, Hubka laga dhacay dowlada ee nooca Militeriga, Miinooyinka lagu aaso wadooyinka iyo Madax jabin.

Weerarada tooska ah oo ay qaadan maleeshiyaadka ayaa waxaa lagu qiyaasa 24%, halka weerarada is qarxinta ah ay ka badanyihiin 3% maadaama ay u dhacaan qaabab kala duwan.

Waxaa lagu ogaaday in maleeshiyaadka Al-Shabaab 54% weerarada dhaca ay ku beegsadeen ciidanka dowladda Somalia iyo Ciidamo beeleedyada taabasan dowladda, 28% waxaa ay weeraradaas ku beegsadeen Ciidamada AMISOM.

Warbixintan oo laga soo ururiyay warbixinta billaha ah ee ay Al-shabaab ka sameyso dagaalkeeda waxaa lagu falanqeynayaa 418ka weerar ee ay sheegatay, 167 weerar oo u dhigma 40% guud ahaan weerarrada ayaa loo xaqiijiyay si madaxbanaan,taas oo ka dhigan in 60% warbixintan aan la xaqiijin,Al-shahaab badanaa ma sii daayaan sawirrada,caddeymaha  iyo wixii la mid ah marka laga reebo weerarro gaar ah.

Al-Shabaabka ayaa sheegay inay u qorsheysan yihiin weerarada ay qaadayaan bil waliba, hase yeeshee muddo  Lix bilood ay Al-shabaab ku geysteen 418 weerar.

Weerarada ay geesteen ayaa waxaa lagu daray xitaa kuwa ka dhacay deegaanada maamul Goboleedyada iyo kuwa lagu qaado ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia.

Sidoo kale, 125 ka mid ah 418-ka weerar waxaa ay ka dhaceen gudaha Muqdisho iyo hareeraheeda, meesha labaad ee ugu badan waa Degmada Afgooye,waxaa ka dhacay 28 weerar, waxaa xiga Boosaaso oo ay ka dhaceen 22 weerar, Baraawe waxaa ka dhacay 19 weerar, Qoryooley waxaa ka dhacay 17 weerar, iyo Beledweyne oo ay ka dhaceen 16 weerar,weerarro kale oo aan tiradooda la sheegin waxaa ay ka dhaceen Marka, Mahadaay, Kismaayo, Hoosingoow,  iyo Baydhaba,waxaa intaas dheer weerarrada ka dhacay Sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al-Shabaab ayan dagaalkeeda u eegin sharciyo diini, waxaana xusid mudan uu yahay mid lagu xoojiyo jiritaanka magacooda argagixiso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this