Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo lagu eedeeyay argagixisanimo

Recommended Posts

Deeq A.   
BUUNI.png?resize=731%2C441&ssl=1Guddoomiye ku xigeenka UCID Cabdinaasir Buuni

Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada xisbiga Waddani ee Somaliland,Maxamed Sidiiq Dhamme oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xubin ka tirsan xisbiga kale ee UCID ku eedeeyay argagixisanimo.

Mas’uulkan u hadlay xisbiga Waddani ayaa sheegay, in falal argagixisanimo loo haysto,guddoomiye ku xigeenka xisbiga kale ee mucaaradka ah(UCID) Cabdinaasir Muxumed Xassan Buuni,islamarkaana uu xisbiga kaga dhuumanayo hay’adaha amniga Somaliland.

Buuni oo runtii siyaasadda ku cusub ee xisbiga UCID iyo dunida kale iyo xataa axsaabta reer Somaliland in uu ahaa eedaysane lagu soo eedeeyay argagixiso,waana siyaasiga keliyah ee ku jira axsaabta qaranka ee ku eedaysan kiis argagixiso ah,isagoo xisbiga intuu ku jira ay tahay in uu ka dhigto dhufays uu kaga badbaado hay’adaha amniga” ayuu yiri Dhamme.

Dhinaca kale, mas’uul u hadlay xisbiga UCID ayaa si adag u beeniyay, eedaymaha la xiriira argagixisada ee loo jeediyay,guddoomiye ku xigeenkooda,Cabdinaasir Muxumed Xassan(Buuni). Mas’uulkan ayaa sidoo kale xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu taageero siiyo sarkaal ka goostay militariga Somaliland oo jabhad ka as’aay gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST

CCC

The post Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo lagu eedeeyay argagixisanimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this