Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: K/galbeed Oo Lagu Eedeeyey Iney Dayacday Magaalada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii hore ee dowladda federaalka magaalada Marko oo sheegay in Koonfur Galbeed ay magaaladaasi u soo wakiilatay ayaa eedeyn u jeediyay maamulkaasi.

Maxamed Cismaan Yariisoow oo soo noqday guddoomiyaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay ka baxday garabkiisa.

Wuxuu sheegay in muddo Saddex sano ah uu ku sugnaa magaaladaasi isagoo la dagaallamayay Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay islamarkaana looga baxay ballan madaxda maamulkaasi ay uga soo qaadeen magaalada Baydhabo mar uu gaaray.

“Koonfur Galbeed kama hayo, dhaqaale iyo taageero ciidan, iyaga ayaana ii soo wakiishay magaalada Marko” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee dowladda Soomaaliya ee magaalada Marko.

HALKAN KA DHAGAYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUD-YARIISOOW-03-09-2018.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this