Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladii ugu horeysay ee Carbeed oo war kasoo saartay Ismiidaamintii ka dhacday MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa looga hadlay weerar ismiidaamin ah oo shalay lagu qaaday xarunta Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka oo ahaa mid kooban ayey dowlada Sacuudiga ku sheegtay in weerarka uu ahaa mid lagu xasuuqay dad shacab ah, isla markaana ay cambaareyneyso.

Dowladu waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay weerarka noocaasi ah ee lagu laayay dadka shacabka, waxa ayna tilmaantay inay is garabtaageyso Somalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Weerarkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qaado xarun degmo ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari noociisa lagu sheegay Leyla calaawi.

Inta la ogyahay ilaa Shan qof oo rayid iyo ciidan isugu jira ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale oo uu ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda degmada Hawlwadaag.

Geesta kale, xagjiriinta Somalia ee Al Shabaab ayaa  sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday xarunta degmada Hawlwadaag waxay tilmaameen inay halkaasi ku laayeen xubno ka tirsan dowladda federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this