Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo wada qarxisay dhammaan 30 gawaari oo uu Kenyatta soo iibiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa dhammaan la gubay 30kii gawaarida qalifnaa ee uu madaxweynha Kenya Uhuru Kenyatta u soo iibiyey ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab, sanadii 2016-kii, sida lagu sheegay warbixin.

Gawaarida qalifan ee uu Uhuru Kenyatta u soo ibiyey ciidamada gaarka ee GSU-ga waxa ay tiradooda gareysay 30, waxaana la xaqiijiyey inuusan hadda midna ka harin.

Sida laga soo xiganayo mid ka mida askarta ka tirsan GSU-yada, dhammaan gawaarida qafilan meesha wey ka bexeen sababo la xiriira qaraxyada iyo weerarada ay Shabaab ka geysato gudaha dalka Kenya, gaar ahaan meelaha u dhow xuduudda Soomaaliya.

Arintan ayaa loo aaneeynayaa in markii hore baaburta qalifan ay Kenya ka soo iibsatay China kuwaas oo ahaa kuwa faalso ah.

Hadda waxa ay ciidama ilaalada ka ah xadka Kenya ay adeegsadaan baaburta loo yaqaan Land Cruisers, Izuzu iyo kuwo kale.

Hase ahaatee, waxa ay noqdee kuwa si fudud lagu ugaarsan karo waxaana u dambeeysay 29kii bishii hore iyaga oo kormeer wada laga dilay sideed.

Waxaa ciidama Kenya laga dilay sanadkan 32 askari oo isugu jiro boolis iyo ciidamadda xoogga waxa ay dhammaantood ku le’deen inta u dhexesa Libooye iyo wadada Lamu.

Dhammaan ciidamada la laayey waxaa lala eegtay mino dhulka lagu aasay oo ay Shabab ka dambeeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this