Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Maanta Shir Uga Furmayo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu shir uga furmo madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan shalay gaaray magaaladaasi.

Kismaayo waxaa ku sugan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland oo martigelineysa shirkan, waxaana sidoo kale maanta halkaasi tagi doona madaxweynaha K/galbeed.

Inkastoo aan weli la shaacin ajendaha shirkan ayaa hadana guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada C/weli Gaas wuxuu sheegay in looga hadli doono guud ahaan xaaladda dalka.

Shirkan maanta ka furmaya Kismaayo ayaa imaanaya xilli uu jiro khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Kismaayo aad ayaa loo adkeeyey, iyadoo ay jiraan waddooyin badan oo shirkan awgiis loo xiray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this