Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro cusub: Gudoomiye kamid noqday dadkii ku dhawacmay Ismiidaaminta & dhismaha xarunta oo dhulka gashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana ku dhintay Seddex Askari oo ka tirsanaa ilaalada xarunta oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney baari jirtay Haweenka howlaha uga baahda xarunta.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiye Ku xigeenka amniga Hawlwadaag oo la sheegay inay kasoo dhacday isha oo jug ay ka haleeshay waxa uuna xiligaasi ahaa mid ku sugan degmada.

Xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa Xarunta Degmada Hawlwadaag waxaa ka socday shaqooyinka maalinlaha ah ee Degmada laga qabto.

Xarunta Degmada ka soo horjeedkeeda waxaa ku yaallo Masaajid iyo Dugsi qur’aan isku dhagan, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Qaraxa-2.jpg

Qaraxa-1.jpg

qar1-1.jpg Qarax-5.jpg Qarax-6.jpg Qarax-7.jpg Qarax-8.jpg Qarax-9.jpg Qarax-10.jpg qarax-11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this