Deeq A. Posted September 2, 2018 Diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Hoose,halkaaso ay ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsam militariga Soomaaliya. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in duqeymaha lagu garaacay xarumo ciidan oo Al-shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale iyo nawaaxigeeda,hase yeeshee weli faahfaahin lagama helin khasaaraha gaaray malayshiyaadkii halkaasi joogay,sida saraakiishu sheegeen. Sidoo kale dadka degaanka ayaa soo weriyay in gantaallo lagu garaacay fariisimo ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo ku yaalla degamada Bu’aale,balse aan war laga hayn khasaaraha ay dhaliyeen duqeymahaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa beegsada,degaannada ay ku xoooggan yihiin Al-shabaab,gaar ahaanna xarumaha ay ku taba-bartaan,goobaha lagu tuhmayo hoggaamiyaashooda iyo sidoo kale kaydadka hubku u yaallo,hase yeeshee ilaa haatan lama xaqiijin in diyaaradaas Maraykanku lahaa iyo inkale. Dhinaca kale ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa mararka qaar duqeymo la beegsada degaannada Al-shabaab ay weerarrada ka soo qaadan ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo. PUNTLAND POST The post Diyaarado duqeeyay degmada Bu’aale ee Jubada Hoose appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites